4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Booliiska Puntland oo gacanta kusoo dhigay dad xalay dil ka geystay magaalada Garowe

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dil xalay magaalada Garowe loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo katirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garowe.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame ayaa dilkiisa loo adeegsaday Tooreey, iyadoo illaa xalay laamaha ammaanku baaritaan ku hayeen baadi goobkii dadkii falkaas ka dambeeyay ee baxsaday.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya sirdoonka ayaa baritaan dheer Ka dib waxay gacanta Kusoo dhigeen eedeysane Cabdikaafi Ibraahim Aadan Iyo 3 Dumar ah oo la sheegay in ay ku wehliyeen dilka marxuumka.

Taliyaha qaybta Booliska gobalka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa mahadceliyay Ciidamada Booliska, kuwa Sirdoonka iyo Bulshada oo uu sheegay in ay gacan wayn siiyeen Booliiska

Taliyaha qaybta Booliska ayaa sheegay in cid walba oo fal gaysata aysan ka Baxsan doonin ciidamada amaanka, wuxuuna bulshada uga Mahad celiyay sida ay cidamada amniga ula shaqeyaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online