4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Xukuumada Somaliland oo war kasoo saartay mudaharaadada mucaaradka
 

Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mucaaradka loo ogolyahay in ay ku mudaharaadaan xarumahooda ay ku leeyihiin lixda gobolada ee Somaliland.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland DR. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, oo u hadlay xukuumada Somaliland ayaa sheegay in mucaaradku xarumahooda ku mudaharaadi doonaan si ka duwan sidii ay doonayeen oo ahaa in ay ku mudaharaadaan fagaarayaasha.

"Waxaanu doonaynaa in aanu caddayno in ay isusoobax ku qaban karaan xarumahooda ay ku leeyihiin lixda gobol ee waa wayn ee dalka, halkii gobolba waxa looga ogolyahay in ay hal goob ama xarun ay ku leeyihiin ay iskugu yimaadaan" ayuu yidhi Suufi.

Waxa uu sheegay in xukuumadu anay marnaba diidiin in mucaaradku ay mudoharaadaan lakiinse ay kali ah rabtay in sharciga la raaco, si nabadgalyada loo sugo, oo aan cid cadow ah oo dan kale lihi ugu soo dhex dhuumaan mudoharaadayaasha dareenkooda cabiraya.

Shir ay maanta yeesheen xukuumada iyo madaxda mucaaradka ayaa lagu heshiiyay in mucaaradku ay mudaharaadadooda qabsadaan, isla markaana ciidamadu amaanka ilaaliyaan.

Mucaaradka ayaa dhankooda soo dhaweeyay heshiiska ay xukuumada kala gaadheen khilaafkii ka taagnaa habka loo qabanayo mudaharaadada waxayna sheegeen in ay ciidamada booliiska kala shaqayn doonaan sugida amniga.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]