4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Xisbiga Waddani oo baaq u diray taageerayaashiisa
 

Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan maalinta mudaharaadka.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa taageerayaasha ugu baaqay in ay sugida amniga kala shaqeeyaan ciidamada amaanka, isla markaana ay iska qabtaan cidkasta oo nabadgalyo daro wada.

"Sidii markii horeba ay u ilaalinayeen taageerayaasha waxaanu leenahay nabadgalyada ilaaliya, xoojiya, cida aad aragtaan in ay qulqulad ku wado nabadgalyadana kala shaqeeya ciidamada amaanka, oo ka ilaaliya waxkasta oo dhaawici kara Somaliland" ayuu yidhi Xirsi.

Kulan ay maanta qaateen wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxda mucaaradka ayaa laysku afgartay in uu qabsoomo mudaharaadkkii ay mucaaradku ku baqeen isla markaana ciidamada booliisku nabadgalyada ilaaliyaan.

Mucaaradka Somaliland ayaa ka biyo diidan shaki ay ka qabaan in doorashada madaxtooyada Somaliland ay dib uga dhacdo wakhtigeedii.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]