4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Gabadhii u horraysay ee qabanaysa xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo xilka la wareegtay


Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo  Fardowso Cusmaan Cigaal  ayaa  maanta xilka la wareegtay, taa oo ka dhigtay gabadhii u horraysay ee xilkan qabata.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac , Wasiir Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaasha hay’adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda , isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas’uuliyada adag  ee u adeeggidda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Marwo  Fardowso Cusmaan Cigaal oo ugu horrayn u mahadcelisay Wasiirkii hore ee xilka wareejiyay iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa tilmaamtay sida ay uga go’antahay in ay sii  anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,iyadoo  muujisay inay  xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.

“Wasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonayaa inay doorkaa  muujiso.”  Wasiirka xilka la wareegtay ayaa sheegtay , waxay intaa ku dartay “ Waxaan doonaya dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac  ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub inay uu wax badan ka qabato hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.

Iman Jama, Hiiraan Online