4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Soomaaliya iyo Uganda oo soo dhoweeyay heshiisyo ganacsi iyo kuwo amni oo ay kala saxiixdeen labada dal
 

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa soo dhoweeyay heshiisyo is afgarad ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ganacsiga, amniga iyo diblumaasiyadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan difaaca, ganacsiga iyo iskaashiga siyaasadda, kaddib ay kulmeen guddi joogta ah oo wadajir ah oo udub dhexaad u ah iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku ammaanay Uganda kaalinta ay ka qaadaneyso xasilinta Soomaaliya iyadoo u maraysa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dhankiisa, Madaxweyne Yoweri Museveni waxa uu ballan-qaaday inay dowladdiisa ka taageerayso Soomaaliya sidii ay si degdeg ah ugaga mid noqon lahayd ururka Bulshada Bariga Afrika ee loosoo gaabiyo EAC.

Safarkaan uu Madaxweyne Xasan Sheikh ku tagay Uganda, waa safarkiisii 8-aad tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaad saddex bilood ka hor.