3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Xukuumada iyo mucaaradka Somaliland oo ka heshiiyay khilaafkii mudaharaadka
 

Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa ku heshiiyay in mucaaradku ay isusoobaxyo nabadgalyo qabsadaan maalinta Khamiista.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka warbixiyay shir madaxda mucaaradku la yeesheen wasiirka amniga, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in mudaharaadada mucaaradku ay wakhtigooda ku qabsoomaan.

"Waxaanu la kulanay wasiirka iyo ilaa 5 wasiir oo kale, jawi wanaagsan oo ilaa intii fidmadani dhacday aan hore loo arag, waji fur furan oo keeni aynu ku naqaanay reer Somaliland ah ayaanu kala kulanay ... waxaanu ku heshiinay in mudaharaadkeenii si nabadgalyo ah khamiista inoogu dhici doono" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in ay xukuumada isku afgarteen in mudaharaadadu ay si nabad ah ku qabsoomaan, isla markaana shacabka iyo booliisku ay iska kaashadaan sugida amniga mudaharaadka.

"Waxaanu ka hadlaynay siduu nabadgalyo inoogu dhici lahaa, anay shisheeyana inoosoo dhexgaleen, wax nabadgalyadeena khal khal galiyaana inoosoo dhexgaleen, ee inaga iyo booliiska Somaliland ee nabadgalyadu gacmaha isku qabsan lahayn" ayuu yidhi Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa qofkasta oo reer Somaliland ah ugu baaqay in uu noqdo booliis nabada ilaaliya "Qofkasta oo reer Somaliland ah waxa laga rabaa Khamiista in uu noqdo booliis nabadgalyada ilaaliya, qof kastowba qofka ku ag maraya ilaali".

Waxa uu sheegay in kulan kale ay berri 9:00 AM la yeelan doonaan wasiirka arrimaha guddaha iyo saraakiisha booliiska si loo dajiyo nidaamka nabadgalyada loo sugi doono maalinta mudaharaadka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/9/2022 1:48 PM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mucaaradka loo ogolyahay in ay ku mudaharaadaan xarumahooda ay ku leeyihiin lixda gobolada ee Somaliland.

8/9/2022 1:41 PM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - War-saxaafadeed rasmi ah oo shalay oo ay taariikhdu aheyd 8 August, 2022 ka soo baxay Bangiga dhexe ee Uganda (Bank of Uganda), ayaa lagu shaaciyay in Bangiga SALAAM AFRICAN SAB uu si rasmi ah ula wareegay lahaanshaha TOP FINANCE BANK Limited oo laga furay dalka Uganda sanadkii 2012.

8/9/2022 11:12 AM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan maalinta mudaharaadka.

8/9/2022 10:39 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa maanta xilka la wareegtay, taa oo ka dhigtay gabadhii u horraysay ee xilkan qabata.

8/9/2022 10:16 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddi KMG ah oo baritaano ku sameynaya dhacdadii 7-dii bishaan ka dhacday gudaha xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, taasoo aheyd buuq iyo fowdo ay sameeyeen Xildhibaanada qaar, xili Baarlamaanka uu i fadhiyay cod u qaadista Xukuumadda Raysal wasaare Xamse.

8/9/2022 8:34 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaaradaha Maraykanku ay duqayn ka dhan ah Alshabaab ka geysteen gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay Shabaabku dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen.

8/9/2022 7:09 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa soo dhoweeyay heshiisyo is afgarad ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ganacsiga, amniga iyo diblumaasiyadda.

8/9/2022 3:39 AM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in xadhiga loogaystay qaar kamid ah masuuliyiinta xisbigaasi anay waxba ka badali doonin bannaanbaxyada qorshaysan 11 bishan.

8/9/2022 2:44 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari kenya.

8/9/2022 1:56 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) -Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Shabaab, balse uusan dalkiisu lahayn awood dhaqaale oo uu ku bixiyo mushaaraadka ciidamada Soomaaliya.