4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Cirro: Xadhiga xaqdarada ahi waxba ka badali maayo qabsoomida bannaanbaxa
 

Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in xadhiga loogaystay qaar kamid ah masuuliyiinta xisbigaasi anay waxba ka badali doonin bannaanbaxyada qorshaysan 11 bishan.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook dadka ku booriyay in ay u diyaar garoobaan bannaanbaxyada nabadeed ee ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo.

"Xadhiga xaqdarrada iyo sharci darradaba ah ee lagula kacay mas'uuliyiinta xisbiyada mucaaridka iyo taageerayaashooda waxba ka beddeli mayso qabsoomidda isu soo baxa-nabadeed ee dastuuriga ah ee dhacaya maalinta khamiista ah" ayuu yidhi Cirro, "Diyaar garooba".

Mucaaradka Somaliland ayaa maalinta Khamiista ee 11 bishan qaban doono bannaanbaxyo dhowr jeer dib u dhacay, kadib markii ay burbureen wadahadaladii u socday mucaaradka iyo xukuumada.

Ilaa hada lama hubo in xukuumada Somaliland ogolaandoonto bannaanbaxyada iyo in kale, madaama dhinacyadu mar hore isku afgaran waayeen habka loo dabaqayo sharciga nidaamka dadweynaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]