9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Al-shabaab oo weeraro ka geysatay deegaano ka tirsan magaalada Mandhera

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari kenya.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weeraray Saldhigyada deegaanada kala ah Waraabeeyo iyo Ilie oo labada ah deegaano ka mid ah magaalada Mandhera, waxaana lasoo wariyay in weerarka koowaad uu ka dhacay deegaanka Ilie, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya deegaanka Ilie ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 6 ka mid ah askarta Kenya, sida ay warbaahinta  sheegeen dadka deegaankaasi, hayeeshee majirto wali wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Weerarka labaad ayaa dagaalmayaasha Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandheere, waxaana lasoo wariyay in Al-Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen dhismo ay dowladda Kenya ugu tala gashay in doorashada ka dhacdo, hasa ahaatee lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas ka dhacay deegaanka Waraabeeyo.

Weeraradaan Al-shabaab ka geysteen deegaanada ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa kusoo beegmaya xili Maanta dalka Kenya ay ka bilaabatay doorashada Madaxtinnimada dalkaasi Kenya oo dadweynuhu ay codeeynayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/9/2022 1:48 PM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mucaaradka loo ogolyahay in ay ku mudaharaadaan xarumahooda ay ku leeyihiin lixda gobolada ee Somaliland.

8/9/2022 1:41 PM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - War-saxaafadeed rasmi ah oo shalay oo ay taariikhdu aheyd 8 August, 2022 ka soo baxay Bangiga dhexe ee Uganda (Bank of Uganda), ayaa lagu shaaciyay in Bangiga SALAAM AFRICAN SAB uu si rasmi ah ula wareegay lahaanshaha TOP FINANCE BANK Limited oo laga furay dalka Uganda sanadkii 2012.

8/9/2022 11:12 AM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan maalinta mudaharaadka.

8/9/2022 10:39 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa maanta xilka la wareegtay, taa oo ka dhigtay gabadhii u horraysay ee xilkan qabata.

8/9/2022 10:16 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddi KMG ah oo baritaano ku sameynaya dhacdadii 7-dii bishaan ka dhacday gudaha xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, taasoo aheyd buuq iyo fowdo ay sameeyeen Xildhibaanada qaar, xili Baarlamaanka uu i fadhiyay cod u qaadista Xukuumadda Raysal wasaare Xamse.

8/9/2022 8:34 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaaradaha Maraykanku ay duqayn ka dhan ah Alshabaab ka geysteen gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay Shabaabku dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen.

8/9/2022 7:09 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa soo dhoweeyay heshiisyo is afgarad ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ganacsiga, amniga iyo diblumaasiyadda.

8/9/2022 7:02 AM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa ku heshiiyay in mucaaradku ay isusoobaxyo nabadgalyo qabsadaan maalinta Khamiista.

8/9/2022 3:39 AM EST
Talaado, Ogosto, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in xadhiga loogaystay qaar kamid ah masuuliyiinta xisbigaasi anay waxba ka badali doonin bannaanbaxyada qorshaysan 11 bishan.

8/9/2022 1:56 AM EST
Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) -Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Shabaab, balse uusan dalkiisu lahayn awood dhaqaale oo uu ku bixiyo mushaaraadka ciidamada Soomaaliya.