12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Xisbiga Waddani: Dadka intaad xidhi kartaan xidha, jeelasha Hargaysa buuxiya
 

Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa diiday kulan uu ka dalbaday wasiirka arrimaha gudduhu, kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay shalay u gudbiyeen, xili xukuumadu xabsiga dhigtay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ku andacooday in sharciga ay waafajiyeen ogaysiiskii mudaharaad ee ay shalay u gudbiyeen wasiirka arrimaha guddaha, isla markaana anay jirin sabab ay ula kulmaan, wasiirka oo ka dalbaday kulan.

"Waxay wasaarada arrimaha guduhu saaka usoo qortay labada xisbi warqad ay ku dalbanayso kulan, hada warqada aanu anagu qornay wax ala wixii uu sharcigu naga rabay waanu marnay, wixii baadil ah iyo wixii kibir ahi waa halkiisa ... sabab aanu u kulano oo layskugu yimaado run ahaantii ma jirto" ayuu yidhi Khadar.

Xogeeyaha ayaa sheegay in isla maanta oo ay xukuumadu codsatay in ay la kulanto madaxda axsaabta mucaaradka, ay dhinaca kale bilowday in ay xidh xidho masuuliyiin mucaarad ah iyo dad shacab ah.

"Taa waxaaba kasii daran iyaga oo leh aynu kulan iskugu nimaadno oo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ka dalbanayaan in ay kulmaan, ayaa maanta waxay bilaabeen in ay dadkii shacabka ahaa iyo masuuliyiintii xisbigaba xidh xidhaan" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu ku goodiyay in anay xukuumadu xoog ku haysan karin Somaliland "Fariintaanu u dirayna waxa weeyaan kuli dadka intaad xidhi kartaan xidha, jeelasha Hargaysa oo dhan buuxiya, Madheera buuxiya, Siyaad Barre ayaa jeel uu buuxiyo waddan ku haysan kari waayay".

Sidan oo kale, ayay mucaaradku u diideen in ay la kulmaan wasiirka arrimaha guddaha kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay wasiirka u gudbiyeen 25 May, taasi oo keentay in xukuumadu ay gabi ahaanba joojiso mudaharaadkii dhici lahaa.

Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee maanta la xidhay ayaa kala ah Xoghayaha Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Mawliid Qaro iyo Mukhtaar Mingiste.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/8/2022 1:10 PM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

8/8/2022 1:03 PM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab laga qabtay Miinooyin.

8/8/2022 10:04 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay ansixinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu horay u dhaliilay dhismaheeda.

8/8/2022 9:45 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmooyin Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib howlgalo balaaran oo saacadihii ugu dambeeyay ay sameeyeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

8/8/2022 9:38 AM EST
Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan, mucaaradkana usoo jeediyay in ay dabaqaan sharciga.

8/8/2022 8:27 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Lix Kun oo arday ayaa waxbarashadii ugu haray saameynta ka dhalatay abaaraha ka jira Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kaso baxay wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland.

8/8/2022 7:36 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Uganda, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

8/8/2022 3:14 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalmayaasha Al-shabaab ay dab qabad siiyeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

8/8/2022 2:11 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xalay oo Axad ahayd.

8/8/2022 1:58 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Maamulka Jubbland ayaa xaqiijiyay inay ciidmo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka labada dal ay gaareen qeybo kamid ah gobolka Gedo, maalmo kadib dagaalladii Itoobiya Alshabaab kula gashay gobolka Bakool iyo xadka.