12/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inay ka go'an tahay sii wadida taageerada Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xalay oo Axad ahayd.

Madaxweyne Erdogaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Wadahadalka taleefoonka ayaa ku soo aadaya wax yar hal bil kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga.

Turkiga waa saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya wuxuuna tababaraa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay taageertaa miisaaniyada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ankara waxa ay hadda ku tababartaa kumanaan ciidamo gaar ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis, waxayna ku tababartaa xerada  TurkSom, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay dibadda.












Click here
8/8/2022 1:10 PM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

8/8/2022 1:03 PM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab laga qabtay Miinooyin.

8/8/2022 10:04 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay ansixinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu horay u dhaliilay dhismaheeda.

8/8/2022 9:45 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmooyin Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib howlgalo balaaran oo saacadihii ugu dambeeyay ay sameeyeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

8/8/2022 9:38 AM EST
Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan, mucaaradkana usoo jeediyay in ay dabaqaan sharciga.

8/8/2022 8:27 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Lix Kun oo arday ayaa waxbarashadii ugu haray saameynta ka dhalatay abaaraha ka jira Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kaso baxay wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland.

8/8/2022 8:18 AM EST
Isniin, Ogosto, 8, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa diiday kulan uu ka dalbaday wasiirka arrimaha gudduhu, kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay shalay u gudbiyeen, xili xukuumadu xabsiga dhigtay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka.

8/8/2022 7:36 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Uganda, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

8/8/2022 3:14 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalmayaasha Al-shabaab ay dab qabad siiyeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

8/8/2022 1:58 AM EST
Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Maamulka Jubbland ayaa xaqiijiyay inay ciidmo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka labada dal ay gaareen qeybo kamid ah gobolka Gedo, maalmo kadib dagaalladii Itoobiya Alshabaab kula gashay gobolka Bakool iyo xadka.