12/8/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay wakhtiga ay mudaharaadada qabanayaan
 

Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, si rasmi ah ugu shaaciyay in Khamiista ay dhici doonaan mudaharaada mucaaradku, waxa uu sheegay in ay dhigi doonaan mudaharaad nabadgalyo oo uu dastuurku u ogolyahay.

"Mudaaharaadka salmiga ahi waa xaq dastuuri ah, xisbiyada mucaaradkuna waxa ay ku wargelinayaan dhammaan taageerayaasha in bannan-bixii nabadgelyo uu dhacayo maalinta Khamiista 11ka Aug, 2022, dhammaan gobollada & degmooyinku waa in ay u diyaar garoobaan" ayuu yidhi Cirro.

Musharaxa ayaa qoraalkiisa kusoo gunaanaday nuqul kamid ah gabay uu leeyahay Maxamed Warsame Hadraawi, wuxuuna yidhi "Nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarreyntiisa sidka waad wadaagtaane, ma sagaashan baa tiisu?".

Mucaaradka ayaa maanta mar labaad wasiirka arrimaha gudaha u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan mudaharaadka ay qaban doonaa, wali xukuumadu kama jawaabin ogaysiiska mucaaradka.

Sidan oo kale, ayay mucaaradku warqad ogaysiis mudaharaad ah xukuumada ugu gudbiyeen 25, May, 2022, lakiin mucaaradka ayaa ka biyo diiday shuruudo uu jidaynayo xeerka nidaamka dadweynaha, oo xukuumadu hor dhigtay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2022 9:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay afar nin oo kasoo jeeda Oromada dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ahaayeen shabakabad katirsan Daacish.

8/7/2022 7:55 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa mar kale xukuumada u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

8/7/2022 5:45 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku meel mariyay Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

8/7/2022 5:36 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar.

8/7/2022 3:20 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan dadka kasoo jeeda Itoobiya.

8/7/2022 3:15 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi ka yeelanaya cod u qaadista kalsooni siinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu dhawaan soo magacaabay.

8/7/2022 2:28 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiis is-garad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca.

8/7/2022 2:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka Shabakada HOL ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay haatan duqeymo culus ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.