4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Mucaaradka Somaliland oo xukuumada u gudbiyay ogaysiis mudaharaad
 

Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa mar kale xukuumada u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay bilaabayaan mudaharaado ay ugu magacdareen "badbaadada Somaliland", oo ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13 November ay dib u dhacdo.

"Xisbiyada mucaaradka J. Somaliland, waxay halkan kugu soo gudbinayaan warqadan oo ay ujeedadeedu tahay dib u bilaabashada bannaanbaxyadii nabadgalyo ee badbaadada Somaliland" ayaa lagu yidhi waraaqda mucaaradku u gudbiyay wasaarada arrimaha gudaha.

Mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay jawaab u yihiin doonista shacabka Somaliland, oo ay sheegeen in ay rajaynayaan in doorasho qabsoonto iyo in xukuumada Somaliland lagu soo dabaalo nidaamkii doorashada, waxa ay sheegeen in doonista shacabku tahay awooda ugu saraysa ee dal kasta oo dimuquraadi ah.

Waxa waraaqdan ogaysiiska ah lagu sheegay in qodobka 32aad ee dastuurka faqradiisa 2aad ay damaanad qaaday xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay dareenkooda cabiraan, isla markaana dhamaan xeerarka ka fircama qodobadani ay yihiin dabaraacyo.

Mucaaradka ayaa 28/5/2022 xukuumada u gudbiyay ogaysiis kan oo kale ah, kadibna mucaaradka ayaa ka biyo diiday shuruudo uu xeerka nidaamka dadweynuhu jidaynayo oo xukuumadu hor dhigtay, sida in ay soo sheegaan goobta mudaharaadku ka dhacayo iyo wakhtiga.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]