4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Golaha Wasiiradda cusub ee Xukumadda Soomaaliya
 

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku meel mariyay Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ka hor inta uusan ku dhawaaqin natiijada ansixinta Golaha Wasiiradda guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, waxaa kulanka hareeyay buuq iyo fowdo ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi oo diidanaa in la ansixiyo Xukuumadda uu soo dhisay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

kadib buuq iyo fowdo badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaab gacan taag ah ku ansixiyey Golaha wasiirada Xukuumadda cusub, waxaana ogolaatay in la meel mariyo Xukuumadda cusub 229 Xildhibaan, halka ay diideen 7 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan, iyadoo kulanka ay fadhiyeen 237 Xldhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada codeynta ayaa shaaciyey in Golaha Wasiirada Xukuumadda Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre la ansixiyey, kuwaas oo durbadiiba la dhaariyey.

Gabagabadi Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad kooban u jeediyay Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu uga mahadceliyay Golaha Shacabka kalsooni siinta Xukuumaddiisa, isagoona balan qaaday in Xukuumaddiisa ay diiradda saari doonta wax ka qabashada Amniga, Abaaraha iyo fulinta Siyaasadda Xukuumadda uu horay Golaha u soo gudbiyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]