4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada jowhar
 

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa lasoo sheegaya inuu ahaa mid lagu xiray gaari noociisu yahay NOHA, kaasoo yaalay agagaarka hotelka Nuur doob oo ahaa hotelkii dhawaan uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ahaa oo waxyeelo kasoo gaaray qaar ka mid ah wasiiradda maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ahaa.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in qaraxa gaariga NOHA-da uu dhacay xili ciidamo ka tirsan Booliska ay xireen wadada qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo la sheegay iney ku raad joogeen gaariga qarxay ee NOHA-da ah, hayeeshee waxaa lasoo warinaya iney jiraan khasaare uu geystay qaraxaasi.

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan qaraxa goordhaw ka dhacay halkaasi iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana wali ciidanka amaanka u xiran goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]