12/8/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Golaha Wasiiradda magacaaban oo Maanta hortagaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi ka yeelanaya cod u qaadista kalsooni siinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu dhawaan soo magacaabay.

Fadhiga Xildhibaanadda ayaa ka dhaci doona goordhaw xarunta Villa Hargeysa oo ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ajendaha kulanka XIldhibaanada uu yahay kalsooni u qaadista Xukuumadda cusub ee labadii bishaan Agoosto uu ku dhawaaaqay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kulanka marka uu furmo waxaa Xildhbaanada khudbad u jeedin doona Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka codsan doona Baarlamaanka Fedaraalka iney codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumaddiisa cusub.

Wararka hordhaca ah ee soo gaaraya Shabakada HOL ayaa sheegaya iney u badan tahay in Maanta Baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida ah siin doono Xukuumadda cusub, waxaana xusid mudan in wasiirada magacaaban ay Muqdisho ka dhex wadeen maalmihii u dambeeyey kulamo xod xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayeen inay meel mariyaan Xukuumadda cusub.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2022 11:00 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

8/7/2022 9:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay afar nin oo kasoo jeeda Oromada dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ahaayeen shabakabad katirsan Daacish.

8/7/2022 7:55 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa mar kale xukuumada u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

8/7/2022 5:45 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku meel mariyay Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

8/7/2022 5:36 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar.

8/7/2022 3:20 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan dadka kasoo jeeda Itoobiya.

8/7/2022 2:28 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiis is-garad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca.

8/7/2022 2:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka Shabakada HOL ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay haatan duqeymo culus ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.