4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca
 

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiis is-garad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca.

Heshiiskaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay kulan magaalada Kampala ku yeesheen wasiiradda gaashaandhigga labada dal.

"Annaga oo ka duulayna xoojinta xiriirka ka dhexeeya dalalka aan walaalaha nahay, waxaan kala saxiixanay iskaashi dhow oo kobcin doona isbeddelka amni iyo dhaqaale ee bulshadeenna," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Vincent Ssempijja.

Wasiirka gaashaandhigga Uganda ayaa sheegay inay ka go’an tahay is-afgaradka la isla meel dhigay in lagusoo bandhigidoono inta lagu guda jiro shirka madaxda labada dal ee loo qorsheeyay 8-11 Ogosto 2022 Kampala.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ku booriyay labada dhinac in ay meesha ka saaraan danaha dibadda ee la doonayo in lagu kala qeybiyo dalalka walaalaha ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Uganda soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa.

Waxaa uu xusay in xiriirka labada dal ee Uganda iyo Soomaaliya uu yahay mid soo jireen ah. Wuxuu sheegay Soomaaliya inay uga baahan tahay Uganda in laga taageero sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada qalabka sida si ay u sii wadaan dagaalka Alshabaab.