3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Diyaarado dagaal oo haatan duqeymo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka Shabakada HOL ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay haatan duqeymo culus ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in haatan duqeymaha ay ka geysanayaan deegaanada Qabno iyo Buurta Surtaag oo ah deegaano hoostaga degmada Matabaan ayaa la rumeysan yahay iney leedahay dowladda Itoobiya oo dhawaan duqeymo noocaan oo kale ah ka geystay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

Duqeynta diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in si gaar ah uga dhacday Saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin Buurta surtaag iyo Qabno, waxaana la tilmaamay in diyaaradaha duqeynta geystay ay joog hoose ku socdeen, dadka deegaanka waxay sheegeen in weli maqlayo jugta qaraxyada madaafiicda ay tuurayaan diyaaradaha Itoobiya ee duqeymaha geysanaya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana sii kordhaya cabsida ay qabaan dadka ku nool deegaanada hoostaga degmada Matabaan oo ay markii labaad mudo kooban gudaheed diyaaradaha Itoobiya duqeymo culus ka geysanayaan deegaanadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2022 11:00 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

8/7/2022 9:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay afar nin oo kasoo jeeda Oromada dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ahaayeen shabakabad katirsan Daacish.

8/7/2022 7:55 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa mar kale xukuumada u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

8/7/2022 5:45 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku meel mariyay Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

8/7/2022 5:36 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar.

8/7/2022 3:20 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan dadka kasoo jeeda Itoobiya.

8/7/2022 3:15 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi ka yeelanaya cod u qaadista kalsooni siinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu dhawaan soo magacaabay.

8/7/2022 2:28 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiis is-garad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca.