3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Saraakiil iyo ciidamo lagu dilay weerar ismiidamin ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday xero ciidan oo ku taal deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan.

Xerada la beegsaday waxaa ku jiray ciidamada Gorgor ee Turkigu tababaray oo dhawaan la geeyey deegaankaas, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Tiro askar ah ayaa lagu dilay tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay, sida ay wararku sheegayaan. Alshabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Taliyihii Xerada C/qani Subagle oo dhawaan ka soo laabtay tababar sare oo dhanka hoggaanka ciidamada ah oo uu ku soo qaatay dalka Turkiga.

Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan.












Click here
8/5/2022 11:24 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Wararka aanu ka helayno meel u dhaw degmada Qabribayax oo lagu magacaabo Qaaxo ayaa sheegaya in hal qof uu u geeriyooday tiro kalena xaaladooda caafimaad laga dayrinayo kadib markii ay ku sumoobeen neef geela oo ay hilibkiisa cuneen.

8/5/2022 10:43 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qaraxday iyadoo maraysay waddo ku taalla xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho, lamana oga halka ay ku socotay.

8/5/2022 9:27 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo la sheegayo inay ku casuumtay dowladda Ethiopia.

8/5/2022 7:39 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa martigelin doonta shir ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya, iyadoo ay kulmidoonaan guddiyo heer wasaaraddeed oo labada dal ka kala socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

8/5/2022 5:37 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Shir ay yeesheen Maamulka iyo Hay'adaha Ammaanka ee gobolka Afdheer ayaa waxay kaga hadleen xaaladihii u dambeeyay ee gobolkaasi iyo waliba sidii loo xoojin lahaa Ammaanka gobolka Afdheer iyo xuduudaba.

8/5/2022 3:26 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Hirshabeelle, ayaa kulan ku saabsan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ku yeeshay deegaanka Labo baar oo katirsan degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxeey.

8/5/2022 3:24 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa 24 ka mid ah gawaarida gaashaaman ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, saddex bilood ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sanado ah lagu qaado howlgalka nabad ilaalinta ee uu Mareykanka taageero.

8/5/2022 1:48 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere, ayaa isagoo ku hadlayay magaca Jubbaland, waxa uu soo dhoweeyay xukuumadda cusub ee raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.