4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Muqdisho: Mooto Bajaaj lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo iskeed u qaraxday
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qaraxday iyadoo maraysay waddo ku taalla xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho, lamana oga halka ay ku socotay.

Sida aan ku helayno wararka, ma jiraan waxyeelo nafeed oo shacabka kasoo gaartay qaraxaas, inkastoo uu geystay burbur soo gaaray meesha uu qaraxa ka dhacay.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax lagu diyaarinayay guri kuyaala degmada Boondheere uu ku qarxay dadkii diyaarinayay, waxaana ku geeriyooday labo qof oo dhalinyaro ah.

Laamaha ammaanka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in guriga lagu diyaarinayay gaari qarax lagu xirayay, qaraxaas oo la doonayay sida ay sheegeen, in dhibaato looga geysto Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta kala guur siyaasadeed ayaa heegan kaga jirta qatarta weerarada Alshabaab. Iyadoo maalmo kahorna qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen magaalooyinka Afgooye iyo Marka ee Shabeeladda hoose.