4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Maamulka iyo hay'adaha Ammaanka ee gobolka Afdheer oo yeeshay kulan looga hadlayay dhanka amniga gobolka
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Shir ay yeesheen Maamulka iyo Hay'adaha Ammaanka ee gobolka Afdheer ayaa waxay kaga hadleen xaaladihii u dambeeyay ee gobolkaasi iyo waliba sidii loo xoojin lahaa Ammaanka gobolka Afdheer iyo xuduudaba.

Shukri Xasan Barre Guddoomiyaha gobolka Afdheer oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkan lagu gurfaynayay, labo arrimood oo ay u horreysay waxyaabihii laga qabtay dhanka amniga toddobaadadii lasoo dhaafay oo ay u horreysay arrinka Ururka Al Shabaab oo guddoomiyuhu sheegay in labo maalmood lagu soo afjaray hawlgalka ay dowladdu kula jirtay Ururka Al Shabaab.

Waxa kale oo guddoomiyaha gobolka Afdheer sheegay in toddobaadada soo socda ay dowladdu qaadayso hawgallo lagu sugayo amniga xuduudda uu gobolka Afdheer la leeyahay dalka Soomaaliya.

Maamulka gobolka Afdheer ayaa dhankooda xusay inay wadaan wacyi galinta ay siinayaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan gobolka Afdheer, iyagoo dhinaca kale uga mahad celiyay shacabka gobolkaasi dadaalkii ay dhankooda uga qayb qaateen sugidda amniga.

Tan iyo intii ay Al Shabaab soo gashay degaanka Soomaalida isla markaana ay billowdeen dagaallada u dhaxeeya Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al shabaab, waxaa jiray kulamo iyo shirar kala duwan oo ay dowladdu u qabanaysay maamullada gobollada degaanka Soomaalida iyo shacabka, kuwaas oo lagaga xaajoonayay sidii loo sugi lahaa amniga degaanka.

Gobolka Afdheer ayaa kamid ahaa gobolladii u horeeyay ee Al Shabaab kasoo gashay degaanka Soomaalida labo toddobaad ka hor.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]