4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2022
Maamulka Hirshabeelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida oo kawada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab


Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Hirshabeelle, ayaa kulan ku saabsan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ku yeeshay deegaanka Labo baar oo katirsan degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxeey.

Labada dhinac ayaa ka wada hadleen dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay ururka Alshabaab, waxayna isku afgarteen labada maamul xoojinta iskaashiga dhanka ciribtirka Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte oo malatayay Hirshabelle ayaa sheegay in maamulkiisa uu dagaal joogto ah kula jiro Alshabaab, islamarkaana aysan raali ka ahayn in Shabaabku usoo gudbo dhinaca deriskooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada gobolka Hiiraan ay cagta mariyeen dagaalamayaal katirsan Alshabaab oo fadhiisin ku lahaa degaanka Bukure oo hoostago Degmada Maxaas ee bariga Gobolka Hiiraan.