4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Maamulka Jubbaland oo ku kala qeybsamay habka loo dhisay xukuumada Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere, ayaa isagoo ku hadlayay magaca Jubbaland, waxa uu soo dhoweeyay xukuumadda cusub ee raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland oo la hadlayay VOA Somali, ayaa ugu baaqay barlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

Jubbaland, waa maamulkii ugu horreeyay ee taageera xukuumadda cusub ee Soomaaliya, xilli maamulada kale qeybtood ay saluug weyn ka muujinayaan habka loo qeybsaday golaha wasiiradda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland wuxuu sheegay, dalku inuu u baahan yahay xukuumad shaqeynaysa oo ka saarta marxaladda uu ku sugan yahay, isagoo ugu baaqay maamulada kale inay taageeraan xukuumadda la dhisay.

Hadalka Suldaan Lugadheere ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay madaxweyne ku xigeeenka 1-aad ee Jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ka horyimaadeen habka wax qeybsiga golaha wasiiradda, iyagoo sheegay in beeshooda Sade lagu sameeyay dulmi xooggan.

Jubbaland ayaa u muuqata inay ku kala qeybsantay xukuumadda Soomaaliya, taasoo laga yaabo inay bannaanka keento khilaaf aan weli dibadda usoo bixin oo ka dhex taagan Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan.