4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2022
Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan kusoo qaadday magaalada Boocame
 

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan ku sooo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool, iyagoo watay 45 tigniko ah, oo galbinayay guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland iyo saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Laascaanood.

Wasiirka duulista hawada Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor oo haatan ku sugan magaalada Boocame ayaa sheegay, in dadka deegaanku ay ka horyimaadeen sida uu sheegay, soo gelitaanka gaadiidka dagaalka Somaliland. Wuxuu sheegay inay saacad kaliya wefdiga Somaliland ku sugnaayeen Boocame. kadibna ay ku laabteen Laascaanood.

“Waxaa nasiib darro ah in maamulka Somaliland xilligan adag ee abaaraha iyo sixir bararku dadku la daaladhacayaan ay duullaan soo qaadaan,”ayuu yiri wasiir Lugatoor.

Wasiirka duuliska Puntland wuxuu sheegay imaatinka Somaliland ee magaalada Boocame inuu salka ku hayo, in la carqaladeeyo dadaalada nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-maygaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu doonayo in arrimaha doorashada uu ka jeediyo reer Somalilad, kuna mashquuliyo abuuridda colaad dhexmarta labada maamul ee deriska ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, war laga sii daayay warbaahinta ku hadasha afka Somaliland ayaa lagu sheegay inay ciidamada Somaliland gaareen xuduuda ugu dambaysa Somaliland oo ay ku tilmaameen inay tahay Koonfur-Bari Sool.

Somaliland ayaa horey sannadkii 2018 xoog ugu qabsatay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, taasoo wax ka yar 100km u jirta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Somaliland ay ka billowday gobolka Sool, ayaa kusoo aaday, xilli Puntland muddooyinkii ugu dambeeyay ay ciidamo badan oo lasoo tababaray gaysay magaalada Buuhoodle, halkaas oo maamulku uu saameyn xooggan ku yeeshay.