4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Culimada Deegaanka Soomaalida: Alshabaab waa munkarkii ugu weynaa, waa in lala dagaalamo oo la suulliyo
 

Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Culimada dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kullan ay isugu yimaadeen oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar, waxay ku cambaareeyeen duullaankii ururka Alshabaab uu kusoo qaaday gobolka Afdheer.

Culimada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, inay taageersan yihiin una hambal- yaynayaan guushii ciidamada Liyuu Booliisku ka gaareen howlgalkii ka dhanka ahaa Al-shabaab.

Waxaa kale oo culimadu ay ku baaqeen in Alshabaab lala dagaalamo oo laga suuliyo deegaanka, waxayna ku tilmaameen munkarkii ugu weynaa ee dhaca, sida ay sheegeen.

Culimada dowlad deegaanku waxay bulshada ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan waxay ugu yeereen, falalka gurracan iyo fikirrada khaldan ee ay xambaarsan tahay Al-shabaab.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa uga mahad celiyay culimada sida ay u caddeeyeen mowqifkooda ku aadan dagaalka Alshabaab.

Mustafe Cagjar wuxuu caddeeyay inay 100% ku guulaysteen inay ka hortagaan damacii Alshabab. Waxa uu qiray taageerada bulshadu inay qeyb weyn ka ahayd in laga guulaysto Alshabaab, islamarkaana muddo kooban lagusoo afjaro duullaankii ay soo qaadeen.

“Waxaan bogaadinayaa kaalinta ay culimadu ka qaadatay ka falcelintii weerarkii gardarrada ahaa, ee nimankaas argigixisada ah ee Alshabaab, kusoo qaadeen deegaanka. Runtii culimadu waxay kamid yihiin shacabka deegaanka ee muujiyay dareenkooda ay ku diidan yihiin fikirkaas oo hadhow keeni kara in lagu xallaalaysto dhiiggooda, sida walaalaheenna Soomaaliya ay ugu dulloobeen,”ayuu yiri madaxweyne Mustafe Cagjar.

Mustafe Cagjar wuxuu sheegay amni ahaan inay xoojinayaan xaduudaha deegaankiisa, si looga hortago in Alshabaab mar kale ay soo qaadaan weerar midkii hore lamid ah.