4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo Miino kula qaraxday duuleedka magaalada Kismaayo

Sabti, Agoosto, 27, 2022 (HOL) - Wararka imaanaya deegaanka Yaqqxaluul oo ka mid ab deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino uu ku haleelay gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo masaafur ahaa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, kaasoo sababay khasaaraha dhaawacyo soo gaaray ilaa sadax ruux oo ka mid ahaa dadkii saarna gaariga shacabka ee miinadu la qaraxday.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Yaaqxaluul ayaa warbaahinta u sheegay in dadka shacabka ee gaariga ay saarnayeen miinadu kula qaraxday deegaankaasi ay kusii jeedeen magaalada Kismaayo, waxaana sadaxda ruux ee ku dhaawacantay qaraxaasi la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa kadib waxaa sidoo kale la sheegay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Maamulka Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa ka howlgala Jubbada Hoose, kuwaas oo howlgalo kooban ka sameeyay deegaanka, hayeeshee lama sheegin cid ay gacanta kuso dhigeen.

Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa marar kala duwan waxaa ay ka dhaceen deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo, waxaana xiliyada qaarkood qaraxyada ay qabsadaan gaadiid ay saaraan yihiin dadka shacabka ah ee ku safraya deegaanada iyo degmooyin dowlad goboleddka Jubbaland.