4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Odayaasha deegaanka Farjano oo Xoolo nool ku wareejiyay ciidanka Liyuu Booliiska


Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka  Beesha Xawaadle ee deegaanka Farjano ee dowlad deegaanka Somaalida Itoobiya ee xaduuda la leh gobolka Hiiraan ayaa 10 neef oo Geel ah ku wareejiyey saraakiisha ciidanka Liyuu Booliska.

Waxgaradka Beesha Xawaadle ee deegaanka Farjano ayaa sidoo kale u balan qaaday saraakiisha ciidanka Liyuu Booliiska iney u diyaarinayaan 100 wiil oo kala qeyb qaata dagaalada ay kula jiraan ciidanka Al-shabaab.

Suldaan Warsame oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka Farjano ee Saraakiisha ciidanka Liyuu Booliiska ku wareejiyay 10 neef ee Geela ah ayaa sheegay in shacabka deegaanka Farjano ay diyaar u yihiin mar walba iney ka qeyb qaataan dagaalada lagula jiro ciidanka Al-shabaab ee dhawaan ka dhex dagaalamay gudaha deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

"Waxaan diyaar u nahay inaan naf iyo maalba ku bixino dagaalada looga hortagayo in Shabaab ay dhibaatooyin ka geystaan deegaanadeena, ciidanka Liyuu Booliiska waan garab taaganahay marwalba waxaana u diyaarin hayna 100 wiil oo kala qeyb qaadan doonta dagaalada ciidankeenu kula jiraan Al-shabaab" ayuu yiri Sulaan Warsame.

Si kastaba ha ahaatee talaabadan ay waxgaradka deegaanka Farjano qaadeen ayaa imaaneysa xili dhawaan Al-shabaab ay ka gudbeen xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Itoobiya, islamarkaana ay ka dagaalameen deegaanka Laasqurun oo 18KM u jirta degmada Feerfeer ee gobolka Shebeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]