4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Warshad kalluun oo ay ku baxday malayiin dollar oo Berbera laga hirgaliyay
 

Talaado, Ogosto, 2, 2022 (HOL) - Waxa magaalada Berbera ee cariga Somaliland laga hirgaliyay warshada Sometuna oo ah warshad kalluunka warshayd doonta, oo ay hirgaliyeen ganacsato waddani ah.

Warshada Sometuna oo ay ku baxday 50 milyan oo dollar, ayaa waxay shaqo abuur u samayn doontaa dhowr iyo toban kun oo qof, isla markaana waxa la rajaynayaa in ay dhowr boqol oo kun oo qof shaqo abuur u samayso muddo 5 sanno gudaheed ah, sida uu sheegay Maamulka Guud ee Shirkada Sometuna Ismaciil Sh. Saalax.

"Waxaanu rajo wayn ku qabnaa in ay noqoto wax aan taariikhda hore usoo marin, gudaheeda waxaanu isleeenahay 3000 oo qof haka shaqo gasho, dhowr iyo toban kun oo qofna ay bada ka shaqeeyaan, maaha nihaayadii, waa bilowgii, waxaanu isleenahay dhowr boqol oo kun oo qof haka shaqeeyaan 5-ta sanno ee soo socda" ayuu yidhi Saalax.

Wasiirka Wasaarada Shaqo-galinta iyo Arrimaha Qoyska Somaliland Mustafe Godane, ayaa Sometuna ku tilmaaamay warshadii kalluun ee ugu waynayd ee abid gayi Soomaaliyeed laga hirgaliyo, isaga oo sheegay in ay boqollaal tan oo kalluun warshadaysan ah soo saari doonto maalinkasta.

"Warshadani waxay noqonaysa, warshadii ugu waynayd ee abid gayi Soomaaliyeed laga dhiso, oo ah warshad kalluumaysi, warshadaasi maalintii waxay soo saaraysa 400 oo tan, waxa kale oo ay soo saaraysa 10,000 oo kartoon, maalgalinteeda waxa ku baxday lacag gaadhaysa ilaa 50 milyan oo dollar" ayuu yidhi wasiir Godane.

Warshadan oo muddo dheer dhismaheedu socday, ayaa si tijaabo ah u shaqo bilaabi doonta 15 bishan Ogos, waxaana laga rajo qaba in ay gacan ka gaysato haqab tirtka baahida kalluunka Somaliland iyo Geeska Afrika.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]