3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Bukure ee gobolka Hiiraan
 

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bukure oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamada dowladda oo maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka waday inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas ay weerar ku qaadeen deegaanka Bukure oo ay Shabaab ku sugnayeen maalmahii dambe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha waxay sheegeen in dagaalka uu socday mudo ku dhaw nus saac, islamarkaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha.

Dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Bukure waxaa ciidamada dowladda Federaalka ku garabsiinayay dhalinyaro deegaanka ah oo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee maalmahii u dambeeyay ka socday inta u dhaxeysa Baledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasoo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa uu fulinayo howlgalo la isugu furayo waddooyinka muddada dheer u xayiran isu socodkooda Al-Shabaab kaddib markii ay go’doon geliyeen degmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, inkastoo aysan ku guuleysan ilaa hadda iney furaan wadooyinka u xayiran Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/2/2022 1:52 PM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Iyadoo galinkii dambe ee Maanta lagu dhawaaqay liiska Golaha wasiiradda Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa durba soo baxay inuu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Qorsheynta Maxamed Cabdiqaadir Cali.

8/2/2022 10:14 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ee deegaanka Farjano ee dowlad deegaanka Somaalida Itoobiya ee xaduuda la leh gobolka Hiiraan ayaa 10 neef oo Geel ah ku wareejiyey saraakiisha ciidanka Liyuu Booliska.

8/2/2022 9:57 AM EST
Talaado, Ogosto, 2, 2022 (HOL) - Waxa magaalada Berbera ee cariga Somaliland laga hirgaliyay warshada Sometuna oo ah warshad kalluunka warshayd doonta, oo ay hirgaliyeen ganacsato waddani ah.

8/2/2022 9:15 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u shaaciyay golaha wasiiradda Soomaaliya, kadib muddo ka badan bil oo uu ku jiray wadatashi siyaasadeed.

8/2/2022 7:35 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Tesfaye Ayalew oo ah madaxa qaybta daabulidda ciidamada difaaca Itoobiya ahna isku duwaha taliska nabad sugidda ku meel gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

8/2/2022 5:37 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in hoggaamiyahii Al-qaacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay weerar loo adeegsaday Drone oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Amerikaan ah.

8/2/2022 3:25 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay wadada.

8/2/2022 2:20 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay, in 37 qof ay sanadkan Soomaaliya ugu geeriyoodeen cudurka daacuunka.

8/2/2022 2:19 AM EST
Talaado, Ogosto, 2, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo shirkadaha laydhka, ayaa ku heshiiyay in qiimaha korontada halkii unit lagu iibiyo $0.73, isla markaana aan la jarin korontada habeenkii.

8/2/2022 2:08 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida oo maalmihii u dambeeyay shir uga socday magaalada Jigjiga ayaa ansixiyay gole loogu magac daray Komishinka Baadhista tacadiyadii deegaanka ka dhacay.

8/2/2022 2:02 AM EST
Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliyaa, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda shaaciyo liiska golihiisa wasiiradda, kadib muddo ka badan hal bil oo uu socday wadatashiyo ku aadan dhismaha xukuumada.