4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo ku horreeya tartanka madaxtinimada Kenya
 

Sabti, Agoosto, 13, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha ruug cadaaga ah ee mucaaradka Raila Odinga ayaa hoggaaminaya tartanka madaxtinimada Kenya, sida ay baahisay warbaahinta REUTERS.

Iyadoo in ka badan 26% codadka la tiriyay, Odinga ayaa helay 54% halka Ruto uu helay 45%, sida ku cad natiijada ay soo saareen guddiga doorashada Kenya.

Natiijada ayaa lagu soo bandhigay shaashad weyn oo ku taal xarunta gudiga doorashada ee caasimadda Nairobi.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay u bedeli lahaayeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gaaray dhammaadka waqtigiisii xil haynta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa taageersan inuu Raila Odinga kusoo baxo doorashada, iyagoo ku midaysan isbahaysiga Azimio la Umoja.

Intii lagu guda jiray khudbad uu ka hor jeediyay taageerayaashiisa xisbiga Jubilee Arbacadii lasoo dhaafay, ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay in Raila Odinga uu yahay qofka ay Kenya u baahan tahay.

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxa uu haystaa ilaa talaadada in uu ku dhawaaqo qofka guulaystay doorashada madaxweynaha dalka Kenya.