4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay rabshadahii ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Raysal waasaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo goordhaw ka hadlay rabashadahii ka dhacay deegaano ka tirsan Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyiinta Somaliland in wadahadal iyo is afgarad ay ku dhameeyaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Somaliland, kadib banaanbaxyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland oo ay ku dhinteen dad shacab ahaa.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay inuu ka xunyahay rabashadaha iyo qalalaasaha ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, isagoona sheegay in waxii nabad lagu waayo aanan lagu heli karin colaad iyo qalalaase.

"Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaare Xamse  in reer Somaliland ay yihiin astaan looga daydo dimquraadiyadda, islamarkaana horay looga bartay nabad, kala dambeyn iyo maamul wanaag ayna ilaalsadaan.

"Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiquraadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Fedaraalka Soomaalya ay marwalba diyaar u tahay ka qeyb qaadashada dhibaato walba oo la soo gudboonaato reer Somalland.

"Walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Hadaalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha Soomaalya ayaa imaanaya xili Shalay magaalooyin ka tirsan Somaliland ay ka dhaceen banaanbaxyo rabashado watay oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ahaa oo dhigaayay dibadbaxyo ay hoggaamnageen madaxda Mucaaradka, kaasoo looga soo horjeeday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]