12/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar oo isbaddal ku sameeyay hoggaaminta sare ee Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa maanta isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa Cabdi Cali Siyaad (Gafeedhe) oo masuuliyiinta Liyuu Booliska u magacaabay Taliyaha guud ee Ciidanka Liyuu Booliska, booskan waxaa horey u hayay Jeneral Maxamed Axmed Maxamuud ( Xaaji Tuur ).

Sidoo kale Cabdiraxmaan Axmed Nuur oo isna soo marey masuuliyiinta Liyuu Booliska ayaa loo magacaabey Taliye ku xigeenka Ciidanka Liyuu Booliska, booskan waxaa horey usoo hayay Jeneral Zakariye Cabdi Khaliif.

Labada masuul ee maanta loo magacaabey xilka Taliyayaasha Liyuu Booliska ayaa horey waxa ay u hoggaaminayeen Ciidankii Liyuu Booliska ee dagaalka kula jiray Ururka Al Shabaab, ee ka howlgalayay xuduudda degaanku la leeyahay Soomaaliya.

Magacaabistan cusub ayaa kusoo hagaagaysa xilli maanta ay Canfartu la wareegtay magaaladii u dambeysay ee Cundhufo, oo muddo dheer isku haysteen Soomaalida iyo Canfarta wada dega dalka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/12/2022 5:02 PM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa ka hadlay rabashadahii Shalay ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, isagoona ku baaqay in xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin hoggaanka siyaasadda iyo shacabka Somaliland inay dhowrtaan.

8/12/2022 1:45 PM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Raysal waasaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo goordhaw ka hadlay rabashadahii ka dhacay deegaano ka tirsan Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyiinta Somaliland in wadahadal iyo is afgarad ay ku dhameeyaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Somaliland, kadib banaanbaxyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland oo ay ku dhinteen dad shacab ahaa.

8/12/2022 10:21 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada Cundhufo oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Soomaali iyo Canfar ay maanta si buuxda ugu gacan gashay maleeshiyaadka Canfarta.

8/12/2022 5:41 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Hal qof oo Soomali ah oo rag ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto.

8/12/2022 5:17 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Xalay howgalo culus ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay tiro Mooto Bajaajyo ah oo ay sheegeen in lasoo dhacay.

8/12/2022 4:04 AM EST
Jimco, Ogosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dusha u saaray xisbiyada mucaaradka ah eeda khasaarihii ka dhashay muharaadkii Khamiista, wuxuuna mucaaradka ku eedeeyay in ay qas a buureen si ay uga baxsadaan tartanka urrurada siyaasada.

8/12/2022 2:12 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii 7-dii bishaan buuqa iyo fowdada ka dhex sameeyay fadhigii Baarlaamanka Soomaaliya ay ku ansixinayeen Golaha Wasiiradda Xukumadda Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu kula kacay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

8/12/2022 12:15 AM EST
Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Waqooyiga Ameerika, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaana abaal marino lagu gudoonsiiyay tartamayaashii ugu sareeyay.

8/12/2022 12:12 AM EST
Jimco, Ogosto, 12, 2022 (HOL) - Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waddamada Faransiiska, Denmark, Finland, Germany, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ugu baaqay in ay xaalada dajiyaan.