4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Madaxweyne Biixi: Cirro Sri Lanka ayuu filin ka daawaday
 

Jimco, Ogosto, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dusha u saaray xisbiyada mucaaradka ah eeda khasaarihii ka dhashay muharaadkii Khamiista, wuxuuna mucaaradka ku eedeeyay in ay qas a buureen si ay uga baxsadaan tartanka urrurada siyaasada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mucaaradku ay ka gudbeen goobohii loo asteeyay in ay ku mudoharaadaan, isla markaana ay dhalinyaro ka hor geeyeen ciidamada booliiska, sidaas darteedna ay qaadayaan masuuliyada khasaaraha ka dhashay mudoharaadka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayuu ku eedeeyay in uu helay xisbi aanu kusoo tabcin oo aanu dhibaato mooyee habeena u hiilin, sidaa darteena ay ula muuqatay in uu qas abuuro si aanu u galin doorashada urrurada.

"Guddoomiyaha hada joogaa wuxuu helay xisbi aanu ku tabcin oo hagardaamo mooyee aanu maalina wax hiila siinin, oo uu si baylah ah u helay, dabeetana si uu xisbiga u haysto waxay ugu muuqataa in uu qalalaase kaga dhuunto doorashada iyo tartanka urrurada" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa kale uu sheegay in taageerayaasha xisbiga Waddani ay ka cadhoodeen wareejintii xisbiga lagu wareejiyay Xirsi, isla markaana ay madaxda xisbiga Waddani ka baqanayaan in ay kusoo bixiwaayaan tartanka urrurada.

Waxa uu ku eedeeyay musharax Cirro in uu si qaldan wax u xisaabsaday, oo uu soo daawaday mudaharaadayaasha reer Sri Lanka ee madaxdoodii madaxtooyada ka eryaday, sidaas darteedna uu doonayo in uu sidaa si leeg halkan ka sameeyo, lakiin anay ahayn wax dhacaya.

"Cirro waxaa u sawirantay oo uu run mooday, hadii aynu mudaharaad wadno dowladaha imika waa laga yaacaa, Sri Lanka ayuu filin ka daawaday, waxay la noqotay hadii buuq la abuuro in uu sidaa madaxweyne ku gaadhayo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in xukuumadiisu anay mudaharaad danbe ogolaan doonin ilaa amar danbe, madaama markii ugu horaysay ee ay Somaliland mudaharaad ogolaatay la arkay natiijada ka dhalatay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]