4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Xildhibaankii Caaga ku tuuray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo raali galin buuxda bixiyay
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii 7-dii bishaan buuqa iyo fowdada ka dhex sameeyay fadhigii Baarlaamanka Soomaaliya ay ku ansixinayeen Golaha Wasiiradda Xukumadda Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu kula kacay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Murjaan ayaa raal galin buuxda ka bixiyay ficilkii u guddoomiye Aadan Madoobe uu kula kacay ee ahaa inuu ku tuuray caaga biyaha laga cabo, waxaana raali galintiisa ay imaaneysa xili ay bilaabatay baaris la xiriirta falkaasi.

“Waxaa raali gelin buuxda ka siinaya shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka iyo guddoonka Golaha dhacdadii aan sida tooska ah caaga ugu tuuray guddoomiyaha, raali gelin ayaa ka siinaya guddoomiyaha Qof walba aragti ayuu leeyahay wuu dhiiban kara ama wuu diidi kara, Caag tuurka waxa keenay waa intaas kaliya waxaa isleeyahay howsha meesha ayay ku dhamaatay" ayuu yiri Xildhibaan Murjaan.

Si kastaba ha ahaate raali galinta Xldhibaankaan uu bixiyay ayaa kusoo beegmeysa xili laba maalin ka hor uu guddoomiyaha Golaha Shacabka uu magacaabay guddi baaritaan kusoo sameeya dhacdadii dhalisay buuqa iyo fowdada guddoonka lagula tuuray caag, iyadoo Golaha ay u fadhiyeen ansixinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]