12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
 

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Afgooye.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmada Afgooye Xuseen Jabriil oo wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan inuu ku dhintay qaraxa lala eegtay gaarigiisa.

Qaraxa lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye ayaa la sheegay in loo adeegaaday Mooto nooca laba lugaaleyda ee loo yaqaano Fekon, taaso lagu dhuftay gaariga uu watay guddoomiye ku xigeen hore ee degmadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Afgooye ayaa gaaray goobta qaraxa lagula eegtay guddoomye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaasi, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta iyo nawaaxigeeda, hayeesha lama sheegin cid ay usoo qabteen qaraxa la sheegay in lagu khaarajiyay Xuseen Jabril.

Degmada Afgooye ee gobolka sh/hoose waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay falalka amaan darada ah ee la xariira qaraxyada iyo dilalka, mana jrto wax war ah oo wali kasoo baxay laamaha amaanka degmada Afgooye.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/11/2022 2:31 PM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in 6 qof ay ku dhinteen mudaharaadadii maanta, isla markaana 99 qof ay ku dhaawacmeen, lana xidhay dad 100 kor u dhaafaya.

8/11/2022 2:27 PM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku dhinteen 3 shicib ah, ayna ku dhaawacmeen 62 askari iyo 27 shicib ah, isla markaana xabsiga la dhigay 100 kamid ah mudaharaadayaasha.

8/11/2022 11:43 AM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa xukuumada iyo madaxda mucaaradka Somaliland ugu baaqday in ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada.

8/11/2022 8:10 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab uu ka socdo nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sanku dhooble oo u dhaw degmada Qallaafo ee gobolka Shabelle.

8/11/2022 8:04 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Wararka aan ka helayno galbeedka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, uu ka socdo dhawr aag oo ku teedsan xuduudda labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta.

8/11/2022 7:48 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya abaarta ba’an ee sanadkan, taasoo tirada guud ka dhigeysa 1 milyan oo qof tan iyo bishii Janaayo 2021 markii ay abaartu bilaabatay, sida ay sheegtay hay’adda UNHCR.

8/11/2022 7:31 AM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweyne Biixi ugu hanjabay in anay madaxweynenimo u aqoonsan doonin hadii doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda dib uga dhacdo.

8/11/2022 7:00 AM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Saddex qof ayaa ilaa hada ku nafwaayay mudaharaadadii ay saaka xisbiyada mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka Somaliland.

8/11/2022 4:52 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Dad iskugu jira askar iyo shicib ayaa ilaa hada inta la ogyahay dhaawacyo kasoo gaadheen rashado ka dhashay mudaharaado ay taageerayaasha mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka waa wayn ee Somaliland.

8/11/2022 4:34 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Xaalado nololeed oo aad u adaran ayaa lasoo gudboonaatay boqolaal shacab ah oo dhawaan guryahoodii ay dab qabad siiyeen Al-shabaab, kuwaas oo haatan lasoo sheegayo iney gaajo iyo haraad la ildaran yihiin caruurta iyo dadka waayeelada ah ee ka barakacay deegaanadii dhawaan Shabaab ka gubeen.

8/11/2022 2:46 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Geeska Afrika, si ay u dhistaan awoodda ay ku maareyn karaan ammaanka.

8/11/2022 1:15 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa golihiisa wasiiradda ka mamnuucay inay shaqo joojin ku sameeyyaan masuuliyiinta xafiisyadooda, iyadoo aan loo marin dastuurka iyo sharciga shaqaalaha dalka.