4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Hal milyan oo qof oo ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya abaarta ba’an ee sanadkan, taasoo tirada guud ka dhigeysa 1 milyan oo qof tan iyo bishii Janaayo 2021 markii ay abaartu bilaabatay, sida ay sheegtay hay’adda UNHCR.

Tirada dadka ay wajahayaan dhibaatooyinka cunno la’aanta ama gaajada ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u kacdo 5 milyan oo ay gaarto in ka badan 7 milyan bilaha soo socda sanadkan.

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay xaaladda ugasii dartay saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada, iyo sare u kaca qiimaha cuntada sababo la xiriira colaadda dalka Ukraine.

"Bulshada nugul ayaa ah kuwa ugu daran ee ay saameysay dhibaatooyinka cimilada, taasoo keentay in qoysas badan ay la kulmaan barakac sii kordhaya," ayay tiri wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Magatte Guisse.

Bishii Juun, UNHCR waxay ku dhawaaqday inay u baahan tahay $9.5 milyan oo loogu talagalay Soomaaliya, si loo caawiyo bulshooyinka soo barakacay ee ay saameeyeen abaarta ba'an.