3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Dhibaatooyin nololeed oo ay wajahayaan dadkii dhawaan Al-shabaab guryahoodii ka gubeen
 

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Xaalado nololeed oo aad u adaran ayaa lasoo gudboonaatay boqolaal shacab ah oo dhawaan guryahoodii ay dab qabad siiyeen Al-shabaab, kuwaas oo haatan lasoo sheegayo iney gaajo iyo haraad la ildaran yihiin caruurta iyo dadka waayeelada ah ee ka barakacay deegaanadii dhawaan Shabaab ka gubeen.

Todobaadkaan gudahiisa ayay aheyd markii Al-shabaab ay gubeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan, islamarkaana ay qarxiyeen ceelashii biyaha ay ka cabi jirieen dadka iyo duunyada ku noolaa deegaanadaasi.

Mid ka mid ah waxgaradkii deegaanada la gubay ka barakacay ayaa sheegay in haatan xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u lidata maadama aysan heysan waxay cunaan ama cabaan, meesha ugu dhaw ay biyo ka heli karaana ay tahay meel u jirta 70 KM.

"Al-shabaab waxay naga gubeen aqaladeeni anago leh hanaga gubina ayay nagu hor gubeen guryahii, dugsiyadii quraanka iyo waliba ceelashii biyaha aan ka cabeynay, mana naqaan sababta ay sidaas u sameyeen, hada laba caruur ah ayaan gacanta ku haysta oo meel banaan la taaganahay wax cuno uma haayo biyana warkooda iskaba daa xaalada way nagu xun tahay" ayu yiri mid ka mid ah dadki ka barakacay deeganada la gubay.

Majirto wax gurmad ah oo ilaa hadda la gaarsiyay qoysaskan ku dhibaateysan inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, kuwaas oo laga gubay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Dhnaca kale madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Xalay magacaabay guddi heer wasiiro ah oo gurmad gaarsiiya dadka ay Al-shabaab ka gubeen tuulooyinkii ay ku noolaayeen, islamarkaana ka duugeen ceelashii iyo barkadahii biyaha, hayeeshee guddiyada ay magacabaan maamulada iyo dowladda Fedaraalka ayaa inta badan waxba ka badalin marxaladaha loo magacaabo guddiyadaasi iney wax ka qabataan.












Click here
8/11/2022 2:31 PM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in 6 qof ay ku dhinteen mudaharaadadii maanta, isla markaana 99 qof ay ku dhaawacmeen, lana xidhay dad 100 kor u dhaafaya.

8/11/2022 2:27 PM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku dhinteen 3 shicib ah, ayna ku dhaawacmeen 62 askari iyo 27 shicib ah, isla markaana xabsiga la dhigay 100 kamid ah mudaharaadayaasha.

8/11/2022 11:43 AM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa xukuumada iyo madaxda mucaaradka Somaliland ugu baaqday in ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada.

8/11/2022 10:11 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Afgooye.

8/11/2022 8:10 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab uu ka socdo nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sanku dhooble oo u dhaw degmada Qallaafo ee gobolka Shabelle.

8/11/2022 8:04 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Wararka aan ka helayno galbeedka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, uu ka socdo dhawr aag oo ku teedsan xuduudda labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta.

8/11/2022 7:48 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya abaarta ba’an ee sanadkan, taasoo tirada guud ka dhigeysa 1 milyan oo qof tan iyo bishii Janaayo 2021 markii ay abaartu bilaabatay, sida ay sheegtay hay’adda UNHCR.

8/11/2022 7:31 AM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweyne Biixi ugu hanjabay in anay madaxweynenimo u aqoonsan doonin hadii doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda dib uga dhacdo.

8/11/2022 7:00 AM EST
Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Saddex qof ayaa ilaa hada ku nafwaayay mudaharaadadii ay saaka xisbiyada mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka Somaliland.

8/11/2022 4:52 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Dad iskugu jira askar iyo shicib ayaa ilaa hada inta la ogyahay dhaawacyo kasoo gaadheen rashado ka dhashay mudaharaado ay taageerayaasha mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka waa wayn ee Somaliland.

8/11/2022 2:46 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Geeska Afrika, si ay u dhistaan awoodda ay ku maareyn karaan ammaanka.

8/11/2022 1:15 AM EST
Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa golihiisa wasiiradda ka mamnuucay inay shaqo joojin ku sameeyyaan masuuliyiinta xafiisyadooda, iyadoo aan loo marin dastuurka iyo sharciga shaqaalaha dalka.