12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Musharax Cirro oo ka jawaabay eedaynta xukuumada Somaliland

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in uu ciidamo argagixiso ah Xamar ka keenay.

Cirro ayaa warka wasiir Kaahin ku tilmaamay kaarto uu dhowr jeer isticmaalay balse uu waxba ku waayay, waxaanu sheegay in siyaasadu anay been ahayn.

"Waxa Ina Kaahin caawa sheegay, waa beentii uu awalba caadeystay ee wax cusub maaha, waa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn, waa kaadh aad marar badan xoqday balse aad ku guul darraysatay. Siyaasadduna been & Qaaxoolaji maaha" ayuu yidhi Cirro.

Wasiir Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed  Kaahin Axmed iyo Cirro ayaa isku maan dhaafsan halka lagu qabanayo mudaharaadka berri qorshaysan, isla markaana labada dhinac ayaa eedo warbaahinta isku marinaya.

Labada dhinac ayuu midba dhinaca kale ku eedeeyay in uu haysto ciidamo loogu talo galay in ay amaanka khal khal galiyaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/10/2022 5:19 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta loo doortay Faarax Diriye Warsame, halka ku xigeenkiisa loo doortay Cabdixakin Maxamed Cali.

8/10/2022 5:12 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani ku eedaysay in uu Somaliland keenay ciidamado argagixiso ah oo Xamar ka yimid.

8/10/2022 4:34 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay ku mudoharaadayaan goobo ka duwan kuwii ay xukuumadu u cayintay.

8/10/2022 4:03 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in dood badan kadib ay xukuumada kula heshiiyeen in ay berri mudaharaadadooda ku qabsadaan xafiisyadooda ku yaala 6-da gobol doorasho.

8/10/2022 2:49 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu saddex weerar oo xagga cirka ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab, isagoo kaga jawaabayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Beledweyne.

8/10/2022 9:52 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa fasaxday qabashada mudaharaadada mucaaradka ee qorshaysan Khamiista berri, waxayna go'aamisay in ay ka dhacaan xarumaha xisbiyada mucaaradka ee lixda gobol doorasho.

8/10/2022 7:22 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Kenya: Goobaha codbixinta ayaa intooda badan haatan si rasmi ah loo xiray, balse cod bixinta ayaa lagu kordhiyay goobo yar yar oo sii furmaandoona illaa dadku ka codeeyaan.

8/10/2022 5:34 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xoogaga hubeysan ee Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxa ay ku toogteen lix ruux oo dhamaantood rag ahaa, kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen jawaasiis u shaqeyneysay dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

8/10/2022 5:24 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiga UCID oo kali ah ayaa saaka kasoo xaadiray kulankii loo balansanaa in hogaanka mucaaradka Somaliland, iyo xukuumadu ku gorfeeyaan nidaamka loo qabanayo mudaharaadada Khamiista.

8/10/2022 3:21 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si dirqi ah ugu guuleysatay Talaadadii xalay, tartanka hordhaca ah ee Congress-ka Mareykanka oo ay kula tartamaysay Xubin hore oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis, Don Samuels.

8/10/2022 3:11 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya tuulada Cadayleey oo ka mid ah tulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/ hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaasi rag hubeysan ay toogasho ka geysteen goob ay ka socotay xaflad aroos ah.

8/10/2022 3:04 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ku sugnaa Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo kulamo kala suwan la qaatay Madaxweyne Mustafe cagjar, iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida.

8/10/2022 2:40 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Lamaaha amiga maamulka Puntland ayaa soo bandhigay agab laga sameeyo waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo lagu qariyay gaari dhayne ah oo lagu qaybtay Dagmada galdogob ee gobolka Mudug.

8/10/2022 1:50 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xukuumada anay ka wada hadlin goobo gaar ah oo lagu qabanayo mudaharaadka, sida wasiirka isgaadhsiintu sheegay.