4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Xukuumada Somaliland oo go'aan kasoo saartay mudaharaadada mucaaradka
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa fasaxday qabashada mudaharaadada mucaaradka ee qorshaysan Khamiista berri, waxayna go'aamisay in ay ka dhacaan xarumaha xisbiyada mucaaradka ee lixda gobol doorasho.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isaga iyo wasiiro kale ay shir ilaa saaka kula jireen guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo sheegay in uu ka wakiil yahay isbahaysiga mucaaradka, ayaa sheegay in mucaaradka iyo xukuumadu isku raaceen in mudaharaadadu ka dhacaan xarumaha xisbiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada iyo mucaaradku ku heshiiyeen in mudaharaadku qabsoomo saacadaha u dhexeeya 7:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo, isla markaana ay madaxda mucaaradku masuul ka noqon doonaan wixii dhibaato ah ee ay mudaharaadayaashu gaystaan.

Kaahin sidookale, waxa uu ciidamada booliiska faray in ay ilaaliyaan nabadgalyada muwadiniinta mudaharaadaysa, dhinaca kalena ay talaabo ka qaadaan cidkasta oo ku kacda fal amni daro.

Goobta uu wasiirku ka hadlayay kama muuqaan guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo isagu wasiirka shir kula jira ilaa subixii, lamana garan karo hadii ay mucaaradku si buuxda ugu qanceen heshiiska uu wasiir Kaahin sheegay in ay gaadheen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]