12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada ka socota dalka Kenya
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Kenya: Goobaha codbixinta ayaa intooda badan haatan si rasmi ah loo xiray, balse cod bixinta ayaa lagu kordhiyay goobo yar yar oo sii furmaandoona illaa dadku ka codeeyaan.

Codeyntan ayaa daba socota olole xooggan oo ay hareeyeen doodo ku saabsan shaqo la'aanta iyo musuqmaasuqa ka jira Kenya.

Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha ayaa kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka haatan jooga xafiiska, William Ruto.

Kenyaanka ayaa sidoo kale dooranayay baarlamaanka cusub iyo maamullada deegaanka.

Guddiga doorashada ayaan weli ku dhawaaqin tirada guud ee dadka u soo baxay doorashada. Balse in ka badan 56% oo u dhiganta 22 milyan oo codbixiyeyaal ah, ayaa codkooda dhiibtay.

Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa doorashada gobolka Nyeri ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka u soo baxay doorashada ay aad u yar tahay marka loo eego sanadkii 2017-kii.

Tirinta codadka oo ka dhacaysa goobaha cod bixinta ayaa la filayaa in dhawaan la bilaabo ka dib markii ay soo xirmeen tirinta codadka doorashada madaxweynaha.

Willian Ruto oo ka codeeyay magaalada Eldoret ee gobolka Rift Valley ayaa wuxuu ballan qaaday inuu aqbali doono natiijada doorashada.

"Waxaan u maleynayaa in markii ugu horeysay taariikhda dimoqraadiyada xisbiyada badan ee Kenya, dhammaan musharixiinta ay ballan qaadeen inay aqbali doonaan natiijada ka soo baxda doorashada," ayuu u sheegay warbaahinta.

Mr Odinga ma uusan la hadlin saxaafadda, laakiin xaaskiisa, Ida Odinga, ayaa sheegtay in uu aad ugu faraxsan tahay doorashada.

Muran ka dhashay natiijadii doorashadii 2007dii ayaa horseeday rabshado toddobaadyo socday oo sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 1,200 oo qof, waxayna ku khasbeen ilaa 600,000 oo qof inay ka qaxaan guryahooda.












Click here
8/10/2022 6:09 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in uu ciidamo argagixiso ah Xamar ka keenay.

8/10/2022 5:19 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta loo doortay Faarax Diriye Warsame, halka ku xigeenkiisa loo doortay Cabdixakin Maxamed Cali.

8/10/2022 5:12 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani ku eedaysay in uu Somaliland keenay ciidamado argagixiso ah oo Xamar ka yimid.

8/10/2022 4:34 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay ku mudoharaadayaan goobo ka duwan kuwii ay xukuumadu u cayintay.

8/10/2022 4:03 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in dood badan kadib ay xukuumada kula heshiiyeen in ay berri mudaharaadadooda ku qabsadaan xafiisyadooda ku yaala 6-da gobol doorasho.

8/10/2022 2:49 PM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu saddex weerar oo xagga cirka ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab, isagoo kaga jawaabayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Beledweyne.

8/10/2022 9:52 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa fasaxday qabashada mudaharaadada mucaaradka ee qorshaysan Khamiista berri, waxayna go'aamisay in ay ka dhacaan xarumaha xisbiyada mucaaradka ee lixda gobol doorasho.

8/10/2022 5:34 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xoogaga hubeysan ee Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxa ay ku toogteen lix ruux oo dhamaantood rag ahaa, kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen jawaasiis u shaqeyneysay dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

8/10/2022 5:24 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiga UCID oo kali ah ayaa saaka kasoo xaadiray kulankii loo balansanaa in hogaanka mucaaradka Somaliland, iyo xukuumadu ku gorfeeyaan nidaamka loo qabanayo mudaharaadada Khamiista.

8/10/2022 3:21 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si dirqi ah ugu guuleysatay Talaadadii xalay, tartanka hordhaca ah ee Congress-ka Mareykanka oo ay kula tartamaysay Xubin hore oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis, Don Samuels.

8/10/2022 3:11 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya tuulada Cadayleey oo ka mid ah tulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/ hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaasi rag hubeysan ay toogasho ka geysteen goob ay ka socotay xaflad aroos ah.

8/10/2022 3:04 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ku sugnaa Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo kulamo kala suwan la qaatay Madaxweyne Mustafe cagjar, iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida.

8/10/2022 2:40 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Lamaaha amiga maamulka Puntland ayaa soo bandhigay agab laga sameeyo waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo lagu qariyay gaari dhayne ah oo lagu qaybtay Dagmada galdogob ee gobolka Mudug.

8/10/2022 1:50 AM EST
Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xukuumada anay ka wada hadlin goobo gaar ah oo lagu qabanayo mudaharaadka, sida wasiirka isgaadhsiintu sheegay.