4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Mid kamid ah xisbiyada mucaaradka Somaliland oo qaadacay kulan saaka loo balansana

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiga UCID oo kali ah ayaa saaka kasoo xaadiray kulankii loo balansanaa in hogaanka mucaaradka Somaliland, iyo xukuumadu ku gorfeeyaan nidaamka loo qabanayo mudaharaadada Khamiista.

Qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha guddaha ayaa lagu sheegay in madaxda xisbiga Waddani, ay dhamaantoodba qaadaceen kulankan oo shalay loo balamay in layskula meel dhigo nidaamka ilaalinta nabadgalyada mudaharaadayaasha, iyo habkii iyo meelaha ay mucaaradku ku mudaharaadi doonaan.

"Way diideen in ay ka soo qayb galaan kulamadan muhiim ka ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan  iyo Musharax Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo guud ahaanba xisbiga Waddani" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha guddaha.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay in uu isagu labada xisbiba ka wakiil yahay "Shirkii maalintii labaad ayuu noo socdaa, labadii xisbi ee isbahaysiga anaa ka wakiil ah, waxaanu isku soo noqonaynaa 1:30 PM, arrimo soo baxay ayaanu xisbigii kale kasoo tashanaynaa".

Ma cadda sababta keentay in madaxda Waddani ay u qaadaceen kulanka, qoraalka wasaaradana laguma sheegin, lakiin guddoomiye Cirro oo la filayo in uu warbaahinta la hadlo maanta galinka danbe, ayay u badantahay in uu daaha ka qaado waxa xisbigiisu qoonsaday.

Dhinaca kale, xukuumada ayaa shalay sheegtay in mucaaradku ay kali ah ku mudaharaadi doonaan xarumaha ay ku leeyihiin 6 gobol ee waawayn ee Somaliland, hadalkaasi oo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku tilmaanay mid aan aan laysku ogayn, lagana yaabo in ay tahay sababta Waddani uu kulanka uga baaqday.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]