9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay weerar ismidaamin ah oo lagu weeraray hotel ay ku sugnaayeen xildhibaanno iyo saraakiil ciidan
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax qof isisoo miidaamiyay oo caawa ka dhacay Hotel kuyaala xeebta Liido, halkaas oo ay ku sugnaayeen Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka ciiddanka Booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in saddex qof oo isugu jira Askar iyo shacab ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka wuxuu sheegay in aysan jirin cid masuul ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa, isagoo sheegay in ciidamada amniga ay hor istaageen in ismiidaamiyuhu gudaha u galo hotelka ay ku sugnaayeen taliyaha iyo xildhibaannada.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo kamid ah xildhibaannada lagasoo doortay Puntland, ayaa sheegay in xilliga qaraxu dhacayay ay xildhibannada kasoo jeeda gobolada SSC uu kulan uga socday hotelka la weeraray.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay doonayeen inay ku beegsadaan saraakiil iyo siyaasiyiin katirsan dowladda federalka Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/22/2022 2:40 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhaw ka dhacay agagaarka xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

4/22/2022 2:32 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku qabtay doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

4/22/2022 10:05 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

4/22/2022 6:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

4/22/2022 4:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo doorashada kursigii ugu horeeyay ee ka midka ah 16-ka kursi ee ku harsan doorashadooda maamulka Jubbaland.

4/22/2022 4:12 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo uu wehlinaayo guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

4/22/2022 3:25 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalaa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida askariga ku dhintay weerarka, isagoona caafimaad u rajeeyay dhaawacyada soo gaaray Taliyaha iyo Nabadoon Cabdisamad.

4/22/2022 2:57 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

4/22/2022 12:21 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga qabashada doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa shaaciyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee doonaya iney ku tartamaan guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee Aqalka sare, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 12 Musharax.