4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhaw ka dhacay agagaarka xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu yahay mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii hure ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegaya inuu qaraxa geystay khasaare kala duwan.

Waxaa sidoo kale lasoo warinaya in qaraxa uu ka dhacay Maqaayada lagu magacaabo Pescatore Sea Food oo ah maqaayad dhawaan laga furay Xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Maxamed Xasan Xijaar iyo tiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay iney ku sugnayeen goobta qaraxa ka dhacay waxaana la xaqiijiyay in taliyaha uu nabad qabo oo laga soo banaadiyay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online