3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo


Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku qabtay doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta dhacday oo tirsigiisu yahay HOP 119 waxaa kusoo baxay Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Kursiga labaad ee HOP 065 waxaa ku soo baxay Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaas, kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartami lahaa ee Aadan Ibraahim Isaaq.

Kursiga Sadexaad ee doorashada Maanta dhacday ee HOP 090 waxaa ku tartamay Xassan Cabdi Axmed iyo Maxamed Aadan Macalin waxaana ku guuleystay Maxamed Aadan Macalin oo kursigan horay ugu fadhiyay afartii aano ee lasoo dhaafay.

Kursiga Afaraad ee HOP 102 ayaa waxaa markale kusoo baxay Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim oo horay ugu fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay waxaana la tartamay Mustaf Maanow Geedi.

Kursiga shanaad ee sumadiisu tahay HOP 087 waxaa Maanta doorashadii ka dhacday degmada Ceelwaaq ku guuleysatay Aamino Xuseen Cali sida guddiga doorashada ay shaaciyeen

Kursiga lixaad ee tirsigiisu yahay HOP 216 waxaa ku guuleystay Faarax Macalin Bishaar, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland, waxaana la tartamay Xassan Aadan Xassan.

Kursiga todobaad ee HOP 116 waxaa ku guuleysatay Duniyo Cismaan Yuusuf oo la tartantay Xaawo Khaliif Dubad, waxaana kursigaan loo badalay qoondo dumar.

Kursiga Sideedaad ee tirsigiisu yahay HOP 091 Aadan Isaaq Cali waxaa Maanta loo doortay Cabdiqaadir Xuseen Cabdi waxaana la tartamay Cali Guure Maxamed.

Kursiga Sagalaad ee tirsigiisu yahay HOP117 waxaa doorashadiisa ku tartamayay musharixiinta kala ah Nuur Axmed Diiriye iyo Maxamed Barre Cali waxaana ugu dambayn ku guulaystay Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye.

Kuraiga Tobanaad ee HOP 100 waxaa ku tartamay Baalle Ibraahim Cabdi iyo Maxamed Siyaad Aadan  waxaana kursigan ku guulaystay Xildhibaan Baalle Ibraahim Cabdi.

Kursiga 11 tobanaad ee doorashada Maanta ka dhacday Ceelwaaq oo ahaa kursiga ugu dambeeyay kuraasta Maanta Ceelwaaq lagu doortay oo tirsigiisu yahay HOP 078 waxaa ku guuleystay Cabdiqaadir Maxamed Dhaqane sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland ee SEIT.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/22/2022 5:12 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax qof isisoo miidaamiyay oo caawa ka dhacay Hotel kuyaala xeebta Liido, halkaas oo ay ku sugnaayeen Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

4/22/2022 2:40 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhaw ka dhacay agagaarka xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

4/22/2022 10:05 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

4/22/2022 6:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

4/22/2022 4:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo doorashada kursigii ugu horeeyay ee ka midka ah 16-ka kursi ee ku harsan doorashadooda maamulka Jubbaland.

4/22/2022 4:12 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo uu wehlinaayo guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

4/22/2022 3:25 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalaa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida askariga ku dhintay weerarka, isagoona caafimaad u rajeeyay dhaawacyada soo gaaray Taliyaha iyo Nabadoon Cabdisamad.

4/22/2022 2:57 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

4/22/2022 12:21 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga qabashada doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa shaaciyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee doonaya iney ku tartamaan guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee Aqalka sare, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 12 Musharax.