10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo sharci-darro ku tilmaamay Doorashooyinka isbarbar socda ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wareegtadaan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1-dii bishii Oktoobar 2020 iyo 27-kii May 2021.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020. Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhameystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan deegaan doorashadooda degmada Garbahaareey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madalsan yahay ee guddoonka labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wareegtaan Maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa imaaneysa xili saaka la qabtay doorashada kursigii ugu horeeyay ee kuraasta 16-ka kursi ah ee deegaan doorashadooda loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, islamarkaana la filayo isla Maanta in magaalada Ceelwaaq lagu qabto doorashada toban kursi oo kale oo taas oo tirada ka dhigeysa shan kursi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/22/2022 5:12 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax qof isisoo miidaamiyay oo caawa ka dhacay Hotel kuyaala xeebta Liido, halkaas oo ay ku sugnaayeen Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

4/22/2022 2:40 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhaw ka dhacay agagaarka xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

4/22/2022 2:32 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku qabtay doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

4/22/2022 10:05 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

4/22/2022 4:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo doorashada kursigii ugu horeeyay ee ka midka ah 16-ka kursi ee ku harsan doorashadooda maamulka Jubbaland.

4/22/2022 4:12 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo uu wehlinaayo guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

4/22/2022 3:25 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalaa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida askariga ku dhintay weerarka, isagoona caafimaad u rajeeyay dhaawacyada soo gaaray Taliyaha iyo Nabadoon Cabdisamad.

4/22/2022 2:57 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

4/22/2022 12:21 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga qabashada doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa shaaciyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee doonaya iney ku tartamaan guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee Aqalka sare, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 12 Musharax.