10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2022
Liiska Magacyada Musharaxiinta ku tartameysa Guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay
 

Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga qabashada doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa shaaciyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee doonaya iney ku tartamaan guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee Aqalka sare, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 12 Musharax.

Xilka guddoomiyaha Aqalka sare waxaa isku soo sharaxay Murashaxiinta kala ah Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Senator Saalax Axmed Jaamac iyo Senator Cismaan Abuukar Dubbe.

Waxaa sidoo kale xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare isku soo sharaxay Murashaxiinta kala ah Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Senator Cali Shacbaan Ibraahin.

Xilka guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka sare waxaa isna isku soo sharaxay Musharaxiinta ugu badan oo tiro ahaan gaaraya 7 musharax oo kala ah Senator Ilyaas Badel gaboose, Senator cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag), Senator Cabdullaahi cali Xersi, Senator Sareedo Maxamed xasan, Senator Xasan Xuseen xaaji, senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo Senator Cabdi Cismaan xareed.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii guddiga qabashada doorashada guddoonka Aqalka sare ay shaaciyeen iney soo gabagabeyeen diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan qabashada xilka guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/22/2022 5:12 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax qof isisoo miidaamiyay oo caawa ka dhacay Hotel kuyaala xeebta Liido, halkaas oo ay ku sugnaayeen Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

4/22/2022 2:40 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Warar ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu goordhaw ka dhacay agagaarka xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

4/22/2022 2:32 PM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku qabtay doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

4/22/2022 10:05 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

4/22/2022 6:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

4/22/2022 4:54 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo doorashada kursigii ugu horeeyay ee ka midka ah 16-ka kursi ee ku harsan doorashadooda maamulka Jubbaland.

4/22/2022 4:12 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo uu wehlinaayo guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

4/22/2022 3:25 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalaa Gaalkacyo ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida askariga ku dhintay weerarka, isagoona caafimaad u rajeeyay dhaawacyada soo gaaray Taliyaha iyo Nabadoon Cabdisamad.

4/22/2022 2:57 AM EST
Jimco, April, 22, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.