4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo kusoo baxday doorasho ku celis ah oo ka dhacday Baydhabo
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa maanta mar kale dib loogu doortay kursigeeda aqalka hoose ee sumadiisu tahay hop154.

Guddiga doorashada oo kursiga xildhibaan Sareedo ku celiyay doorasho kadib markii ay sheegeen in habraacii lagu doortay uu wax ka qaldanaa, ayaa haatan kusoo baxday doorasho aan la tartamin.

Nasteexo Maxamed Yuusuf oo kursigan kula qornayd xildhibaan Sareedo ayaa markii doorashada la gaaray ka tanaasushay tartanka, waxayna sidaas ku heshay dhammaan codadkii ergada doorashada ka qeyb galaysay.

Guddiga doorashada heer federal ayaa dhowaan sii daayay labo kursi oo kamid ahaa saddex kursi oo la hakiyay oo lagasoo doortay Koonfur Galbeed.

Labo xildhibaan kuraastooda ayuu guddigu siidaayay kadib wada hadalo uu Baydhabo kula yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed, halka kursiga xildhibaan Sareedo la go’aamiyay in doorasho dib loogu celiyo.

Haatan, kursiga sumadiisu tahay hop086 oo uu ku guulaystay Fahad Yaasiin ayaa ah kursiga kaliya ee hakinta ku jira. Waxaana lagu wadaa in Fahad Yaasiin uu doorasho labaad galo.

Doorashadiisa labaad waxay noqon kartaa mid uu loolan kala kulmi karo xildhibaankii kursigaan horey ugu fadhiyay Faarax Sheikh Cabdiqaadir, kaas oo horey dalka ka maqnaa markii Fahad Yaasiin uu kursigan ku guulaysanayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online