4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Bangiga adduunka kala hadlay dayn cafinta Soomaaliya kadib digniintii hay'adda IMF
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galay shirarka sanadlaha ah ee Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF oo ka socda magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

War kasoo baxay xafiiska Wasiir maaliyadda, ayaa lagu sheegay in wasiir Beyle uu kulamo miro dhal ah la qaatay Guddoomiye ku xigeenka Bankiga Adduunka ee u qaabilsan qaaradda Afrika. , Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda  iyo Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga gaaray barnaamijka cafinta deymaha, doorashooyinka dalka iyo mashaariicda horumarineed ee Bankiga uu ka fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno ka socday IMF iyo hay’adaha kale ee maaliyadda.

Dhowaan ayay ahayd markii hay'adda lacagta adduunka ee IMF ay sheegtay in barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya iyo taageerada dhaqaale ee dowladda Soomaaliya lasiiyo ay joogsan doonaan haddii aan bisha May la qaban doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online