4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay inuu la wareegay masuuliyadda hoggaamineed ee Puntland
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay masuuliyadda hoggaamineed ee Puntland.

Axmed Karaash oo xalay goor dambe soo saaray war-saxaafaddeed wuxuu sheegay in Puntland aysan gali karin firaaq dastuuri ah xiligan.

Karaash wuxuu sheegay haddii Madaxweyne Deni uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah inay isaga dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ah si ku meel gaar ah ugusoo wareegeen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray dhammaan Hay’adaha Puntland in ay u hogaansamaan dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Puntland.

Go'aanka Axmed Karaash wuxuu kusoo aadayaa xilli madaxweynihii Puntland Siciid Deni uu Muqdisho u aaday ololihiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Kadibna isagoo halkaas ku sugan ayuu masuuliyiin cusub xilal u magacaabay.

Khilaafka cusub ee hadda ka dhex qarxay Deni iyo Axmed Karaash ayaa kusoo beegmay xilli kala guur siyaasadeed lagu jiro, iyada oo kal hore khilaaf dhexmaray labada masuul uu meel xun gaaray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online