4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Madaxweynaha maamulka Galmudug oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Galgaduud
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka Galgaduud loogu magacaabay Cilmi Cali Cabdi

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sidoo kale faray dhamaan hay'addaha maamulka oo ay ugu horeyaan kuwa amniga iney si wanaagsan ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi.

31-kii bishii Maarso ee sanadkaan 2022 ayey aheyd markii uu madaxweyne Qoorqoor uu  xilka guddoomiyaha gobalka Mudug uu magacaabay Axmed Xuseen shire oo loo yaqaano Axmed Bukhaari.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online