4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Masuul ka tirsan xukuumada Somaliland oo Laascaanood lagu dilay
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Laascaanood dablay hubaysani ku dishay Isu-duwihii Hay'adda Qandaraasyada Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri).

Dilka Jeeri ayaa waxa warbaahinta xukuumada u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariin Aadan X. Diiriye, sida lagu baahiyay boga Facebook-ga ee muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland.

Inkasta oo xukuumada Somaliland samaysay dadaalo badan oo nabadgalyada lagu sugayo hadana ilaa hada waxaa sii socda dilalka lagu beegsanayo dadka masuuliyiinta ah iyo xataa dadka shacabka ah, inta badana laguma guulaysto in la aqoonsado dadka dilalka fuliya.

Dilkii ugu danbeeyay wuxuu Laascaanood ka dhacay 30, January, 2022, markaasi oo xili habeenimo ah gabadh iyo wiil is qaba oo aroos cusub ahaa ay dablay aan haybtooda la aqoonsani rasaas ku fureen iyaga oo xili habeenimo ah lugaynaya xaafada Farxaskuleh ee Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online